Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XF Soomaaliya iyo wafidiga uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin; xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan miro-dhal ah kula qaatay wasiirka cadaaladda Masar, mudane Cumar Marwaan.
Kulanka wasiirrada ayaa looga hadlay iskaashi dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyadda iyo garsoorka ah, iyaga oo ku heshiiyay inay si wadajir uga shaqeeyaan arrimaha cadaaladdalabada dowladood.
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, mudane Xasan Macallim ayaa dhiggiisa Masar uga mahad-celiyay casuumadda uu u fidiyay, waxa uuna bogaadiyay horumarka dhanka adeegyada cadaaladda iyo garsoorka ah ee dalka Masar.
Ugu dambwyn, Wasiirrada cadaaladda labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Somalia iyo sida ay labada dowladood ee walaalaha ah ugu heellan yihiin xoojinta xiriirkaas iyadoo la isla gartay in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah.















