Mas’uuliyiinta XFS iyo Xubno ka socda Bangiga Adduunka oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
435

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta la kulmay ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Aduunka ee u qaabilsan horumarinta karaanka aadanaha, marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo kuwa hor-tabinta u leh Somalia ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka ka socday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ku-xigeenka madaxweynaha bangiga Aduunka ayaa ugu hambalyeysay xukuumadda #DanQaran guulaha waa-wayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay.

Ugu dambeyn, Waxay sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here