Arsenal oo lumisay rajadii ay ka qabtay inay ku guuleysato Horyaalka Ingiriiska: SAWIRRO

0
654

Rajada Arsenal ay ku qaadi lahayd koobka horyaalka Premier League-ga Ingiriiska ayaa soo dhamaatay, kaddib markii ay kooxda Brighton & Hove Albion ay qaybtii 2-aad ciyaar adag oo caawa dhex-martay ay uga adkaatay 3-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay; Julio Enciso, Deniz Undav iyo Pervis Estupinan, cayaarta oo ka dhacday garoonka Emirates.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay u baahan tahay hal guul oo keliya saddexda kulan ee u dambeeya si ay u difaacdo koobkeeda, waxaana loo xaqiijin karaa horyalnimada habeenka Sabtida haddii kooxda Mikel Arteta ay ka adkaan waydo Nottingham Forest.

Tababare Mikel Arteta ayaa qirtay inay guuldarro xanuun badan kala kulmeen kooxda Brighton & Hove Albion, taasoo lama filaan ku noqotay taageerayaasha kooxda oo la aekayay iyagoo ka carooday guuldarrada ku habsatay kooxdooda.

Cayaatyahannada Arsenal ayaa la arkayay iyagoo madaxa foorarinaya, kaddib markii laga dhaliyay saddex gool oo laacibiinta kooxda ka nixiyay, taasoo niyadjab weyn ku keentay cayaartoyda oo dhan.

Kooxda Manchester United ayaa iyaduna 3-0 uga adkaatay Everton, inkastoo rajo weyn laga qabay in laga adkaado, balse goolal cajiib ah ayaa laga dhaliyay, taasoo muujisay in Arsenal ay ciriiri geli karto haddii ay guuldarreysato.

Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal ayaa inta badan guuldarrooyinka noocan oo kale ah la kulanta marka la gaaro dhammaadka horyaalka Ingiriiska, waxaase ay guul weyn u arkaan inay sannadkan qayb ka yihiin Uefa Champions League oo sannadihij lasoo dhaafay aysan ka qayb-gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here