Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku boorriyay ciyaartoydiisa inay sii wadaan ku dagaalanka horyaalka Premier League, kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Newcastle.
Kooxda Arsenal ayaa 2-0 uga adkaatay cayaar ka mid ah horyaalka Ingiriiska oo Axaddii ay la yeesheen kooxda Newcastle, cayaartaas oo ahayd mid xiiso badan oo aad loo sugayay.
“Waxa aan joognaa meel wanaagsan, hadda waxaan doonaynaa inaan sii wadno guulaha aan ku tallaabsanayno. Abaalmarinta ayaa jirta, mana ahan mid fog,” ayuu yiri Mikel Arteta.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxa kaliya ee aan sameyn karno ayaa ah inaan sii wadno adkeysiga – oo aynaan dhabarka sii jeedin – oo aanan lumin rajada taageerayaasheenna. Waan guuleysan karnaa haddii aan muujino dadaal dheeraad ah.”
Kooxda Gunners ayaa heshay 3-dhibcood, kaddib laba gool oo ay ka dhaliyeen kooxda Newcastle United, waxaana daqiiqadii 14-aad goolkii 1-aad u saxiixay cayaaryahan Martin Odegaard oo kubbadda ka laaday meel fog, sidoo kale daqiiqadii 71-aad ayaa waxaa goolkii labaad u saxiixay laacibka Fabian Schar oo ku garaacay kubbadda goolhayaha kooxda lale.
Mikel Arteta oo la weydiiyay in horyaalka cayaaraha ka dhiman ay guuleysan karaan; ayaa ku jawaabay: “Guushii ugu dambeysay ayaa caddeyn u ah inaan awoodno in kooxaha noo haray aan ka guuleysanno.”
Kooxda Arsenal ayaa waxaa u haray saddex kulan oo isha lagu wada hayo, kuwaas oo ay la dheeli doonaan kooxaha kala ah; Brighton & Hove Albion, Wolverhamton Wanderers iyo Nottingham Forest. Waxaana horyaalka laga sareeyaa hal dhibic oo keliya.
“Waxa aan guulaha soo wadnay sideeddii bilood yo barkii lasoo dhaafay, waana in aan sii wadnaa guulahaas. Weli waanu joognnaa heerkii aan rabnay, balse xaaladdu aad ayay hadda uga duwan tahay 10 maalmood ka hor, waana inaan hadda hubinno inaan sii wadno guulaheenna,” ayuu hadalkiisa ku daray tababaraha kooxda Arsenal.
Dganka kale mar la weydiiyay sida uu u arko guushii ay ka gaareen kulankii Newcastle United ayuu yiri: “Waxaan sameynay wixii aan ku qasbanahay si aan guuleysanno, aad ayaan ugu faraxsan-nahay taas.”
Ugu dambeyn, Kooxda Manchester City ayaa waxa ay hoggaanka horyaalka Premier League-ga 2022/2023 ku haysaa dhibic oo keliya, iyadoo illaa hadda aan la saadaalin karin cidda ku guuleysan doonta koobka horyaalka Premier League-ga Ingiriiska.













