Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Magaalada Muqdisho kala qayb-galay dibadbax ballaaran oo ay ku taageerayaan hawlgallada dalka loogu sifeynayo Khawaarijta oo ay ciidamada xooga dalka ka wadaan guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, guddoonka maamulka gobolka Banaadir, culummaa’uddiin iyo madaxda maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa ka qayb-galay bannaanbaxan oo ay shacabka Gobolka Banaadir ku muujinayeen taageerada ay la garab-taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


























































