Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo ka qayb-galaya Shir Caalami ah oo ka furmay dalka Gaana: SAWIRRO

0
509

Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutale ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka ururka hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sanadkan ka dhacaya magaalada Accra ee dalka Ghana.

Shirka oo socon doona muddo afar casho ah ayaa waxaa lagu faaqidi doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; yagleelidda hannaan isla-xisaabtanka oo sahlaya xaqiijinta filashada bah-wadaagta, qorsheynta sanadlaha ah iyo qiimeynta khataraha iyo daba-galka tao-bixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee hay’adaha Hantidhawrada Guud.

Sidoo kale, Shirka oo ay sanadkan marti-galinayso hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa ka qaybgalaya Hanti-dhawrayaasha Guud oo ka socda 26 dal oo ku midoobay ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriiska iyo hay’ado kale oo ka mid ah bah-wadaagta horumarinta caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here