DAAWO: Duqa Muqdisho oo Ciidanka Xasilinta ku Ammaanay doorka ay ka qaateen sugidda Amniga Caasimadda: SAWIRRO

0
279

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadal uu ka jeediyay isku-soo-bax lagu qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ugu mahad-celiyay ciidamada xasilinta Caasimadda, isagoo sheegay inay gacan adag ku qabteen argagaxisada iyo cid walba oo amniga khatar ku ahayd.

Dibadbaxan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaarsha xukuumadda Somalia iyo mas’uuliyiin kale, waxaana sidoo kale ku sugnaa goobta saraakiil iyo ciidamada xasilinta Caasimadda, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in shacabka ku nool Caasimadda ay qireen hawshii la mahdiyay ee ay qabteen.

Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay cidamada amniga sida ay uga go’an tahay ciribtirka argagixisada iyo cid walba oo amniga caqabad ku ah, waxa uu sidoo kale ku ammaanay tallaabooyinka ay ku xoojinayaan xasilloonida Caasimadda.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimaddaayaa ku sheegay khudbadiisa ku sheegay xabbadihii la maqli jiray u dambeysay wixii ka dambeeyay markii lasoo saaray xeerkii xakameynta hubka ee uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga dhawaaqay Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here