Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baatista Gobolka Banaadir oo Buugaag Cilmi-baariseed Guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh: SAWIRRO

0
172

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka Gobolka Banaadir, mudane Cabdullaahi Sh. Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax-soo-saarka aqooneed ee hay’adda cilmi-baarista hiddaha iyo dhaqanka gobolka Banaadir.

Buugga koowaad waxa uu falan-qaynayaa mushkiladda maandooriyuhu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga labaad ee cilmi-baarista uu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii waagii hore ay ku soo ceshan karto.

Sidoo kale, buugga seddexaad ayaa isna si kooban uga hadlaya Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan-dhaqaale, waxayna dhammaantood ku qornaayeen luuqadda Carabiga, dhawaanna waxa ay ku soo bixi doonaan afka Soomaaliga si dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Buugaaagtan cilmi-baarista ah ayaa hore loo guddoonsiiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir, waxa uuna bogaadiyey juhdiga ay hey’addu gelisay buugaagtan ka hadlaya cilmi-baarisyada kala duwan.

Ugu dambeyn, Khadar oo ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Banaadir ayaa ahaa suxufi muddo ka badan rubuc qarni kasoo shaqeyayay waebaahinta, waana aqoonyahan aqoon durugsan u leh cilmi-baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here