SAWIRRO: Abaalmarin la gudoonsiiyay shaqaale ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar oo muujiyay Hawl-karnimo

0
209

Guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta abaalmarin guddoonsiiyay xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo muujiyay hawl-karnimo iyo kasoo dhalaalid shaqooyinkii ay u hayeen maamulka iyo shacabka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in qof walba lagu abaal-marin doono shaqada uu qabto si loo dhiirri-geliyo, waxa uuna ku boorriyay hawl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada.

Ugu dambeyn, Agaasimaha nadaafada iyo bilic soo celinta maamulka G/Banaadir, mudane Maxamed Suudi, madaxa xafiiska agaasimaha guud ee hawlaha guud, mudane Bashiir Nucmaan Sheekh Cumar iyo madaxada ganaaxyada gaadiidka nadaafada, mudane Cali Xasan Cali ayaa la guddoon siiyay abaalmarin lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here