Maareeyaha hay’adda isgaarsiinta Qaranka (HIQ), mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay shirkadaha isgaarsiinta dalka ku hirgeliyeen heshiiskii isku-xirka shabakadaha ee ay gaareen 5tii Disembar 2022.
Waxaa heshiiskaas hirgeliyay qeyb ahaan shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo TeleSom. Hay’adda waxaa ka go’an dhamaystirka in si buuxda uu u hirgelo.
Maareeyaha ayaa uga mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md Jaamac Xasan Khaliif, kaalintii hoggaamineed ee uu ka qaatay hirgelinta isku-xirka shirkadaha.
Is-wicitaankan waxaa dammaanad-qaadday hirgelintiisa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo fulineysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya arrintan.
Ugu dambeyn, ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isgaarsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhisan adeeg iyo qancin macaamiil.













