SAWIRRO: Xoghayaha Guud ee QM iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo Gaaray Muqdisho

0
601

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Antonio Gueters iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Abshir Axmed Jamac Huruuse iyo xubno kale.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterrs ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo wakiilada beesha caalamka.

Waxa kaloo uu la kulmi doonaa sida qorshuhu yahay madaxda ciidamada Afrika ee ATMIS iyo bulshada rayidka ah oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Inta badan waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka la xiray si loo adkeeyo amniga caasimadda inta ay joogaan Geterres iyo wafdigiisa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gueters oo bil walba oo Ramadaan ah booqda mid ka mid ah dalalka Islaamka ayaa sanadkan doortay inuu booqdo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waa markii labaad ee Antonio Gueters uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ugu horeysay ee uu dalka yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here