Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Mas’uuliyiin kale.
Kulankaan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u habeyn balaaran loogu sameyn lahaa Garoonka Diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho gaar ahaan in Garoonka loo sameeyo qeyb Gaadiidka lagu Baakimo iyo sidoo Kale in laga taxadaro dhibaatada ka dhalan karta Taawarada dhaadheer ee Airport-ka hareerihiisa ku yaala.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS.













