SAWIRRO: Kulan looga hadlay Maabka Muuqaalka Internet-ka ee Muqdisho oo lasoo Gunaanaday

0
292

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kusoo xiray kulan socday muddo afar casho ah oo looga hadlayay qodobboay ka mid yihiin.

  1. Sawirida magaalada Muqdisho dhanka Satellite-ka.
  2. Aasaaska barta xakamaynta dhulka (GCP).
  3. Soo-saarka khariidadda Muqdisho (Topographic Mapping).
  4. Horumarinta Nidaamka (GIS Web)
  5. Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.

Ugu dambetn, Kulanka kaddib Maamulka Gobolka Banaadir iyo hawlwadeenada mashruucan fulinaya ayaa kala saxiixday hawlaha shaqo oo ay ka qabanayaan Magaalada Muqdisho, iyada oo saxiixa heshiiskan ay goobjoog ka ahaayeen agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Wakiillo ka socday Dowladda Jaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here