Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaarada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Salmaan Cali, maamulka, macalimiinta iyo cayaartoyda xulka Koonfur-galbeed oo shalay dhibaato kala kulmay dhallinyaro dhagxaan ku weeraray.
Duqa Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah cayaartoyda xulka Koonfur Galbeed, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka baxsan anshaxa cayaaraha, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya aan la aqbali doonin inuu dhaco fal nuucaan oo kale ah, laamaha amniga ay u diyaarsan yihiin sugidda amniga cayaartoyda iyo muwaadiniinta ka qayb-galaya cayaaraha
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, mudane Cali Shiino iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.































