Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb-galay shir ay qaban-qaabadiisa Iska kaashadeen, Dowladda Federaalka Somalia, Machadka Tokyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka.
Shirkan oo soconaya muddo afar maalin ah, waxaa looga hadlayaa dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida; Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo, iyadoo diiradda lagu saari doono, maamul wanaagga, adeegga asaasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo buundooyinka.
Mashruuca ayaa waxaa fulinaysa SURPII (Nagaad) kaas oo si wadajir ah uga socdo magaalooyinka aan kor kusoo xusay.
“Waxa aan madashaan ka qayb-galaya madax ka kala socota, magaalooyinkaas, maamulka Gobolka Banaadir, qubaro ku xeeldheer horumarinta magaalooyinka iyo xubno ka tirsan deeq-bixiyeyaasha caalamka,” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga.















