Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Miqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan looga hadlayay amiga la qaatay saraakiisha Hay’adaha amaanka Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska gobolka Banaadir.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa Maalmaha Xorriyadda ee 26 June iyo 1da Luulyo, lana adkeenyo amaanka Caasimaadda.













