Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Beerta Dalxiiska ee Jazeera, waxaa kale oo uu xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Guryaha Jazeera Real State.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Bukhaari, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Faysal Carraale, Guddoomiyaha Jazeera Real State, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha IBS Bank iyo Madax kale.
Ugy dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan maalgeshiga iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan dalkooda iyo Ganacsatadooda.





































