Guddoomiyaha Warta Nabadda iyo Mas’uuliyiin kale oo Tababar Caalami ah uu uga socdo Dalka Jabaan: SAWIRRO

0
238

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) oo ku sugan magaalada Hiroshima ee dalka Japan, ayaa ka qayb-gashay tababar ku saabsan dowlad-wanaagga iyo tayeynta adeegyada Dowladaha Hoose.

Tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galaya guddoomiyeyaal iyo maayarro ka socda maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo agaasimeyaal ka socda wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya

Wafdiga ayaa waxay booqasho ku tageen goobaha taariikhiga ah ee Hiroshima oo lagu xasuusto in 75-sano ka hor, lagu burburiyay bamkii atoomigga ahaa, balse hadda isku tashi bulsho iyo maamul-wanaag lagu dhisay lana horumariyay, iyada oo ay qayb ka ahaayeen casharro ay wafdiga ka baran karaan sida burburka iyo dhibaatooyinka loogu soo kabsan karo haddii si wadajir ah la isku garab istaago.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Saynab ayaa kulamo la waadatay madaxda hay’adda JIKA iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Japan, wax ayna la wadaagtay horumarrada ka socda dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here