Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Feseraalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiikiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, danjire Xue Bing oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Somalia, isaga oo xusay guulaha waaweyn ee ay Somalia xaqiijisay muddadii la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka beddeli doona.
Dhankiisa, Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan.