SAWIRRO: Maamullada Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho oo kawada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya

0
403

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) oo maalmihii lasoo dhaafay hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay Duqa Nairobi Mr. Sakaja iyo ku-xigeenkiisa Mr. Njoroge,

Kulankan oo uu qeyb ka ahaa Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka G/Banaadir, Mudane Maxamd Xasan ayaa looga hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Dib u soo nooleynta xiriirka maamullada labada Caasimadood ee Muqdisho iyo Nairobi.
  2. Tababarrada shaqaalaha labada Maamul Muqdisho iyo Nairobi.
  3. Is-dhaafsiga booqashooyin rasmi ah oo dhex-mara Maayarrada labadan magaalo.
  4. Horumarinta xiriirkooda wada shaqayneed ee labada maamul Muqdisho iyo Nairobi.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa imaanaya xilli wafdigan ka socda maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Md. Yabooh ay halkaas uga qaybgaleen shir ku saabsan horumarinta magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here