Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa furay aqoon-is-weydaarsiga xog-ururiyeyaasha hannaanka khariidadeynta isku dhacyada ka dhaca gobolka Banaadir, sida murannada dhulka, arrimaha bulshada, dhaqaalaha IWM oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir.
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulankan oo maanta furmay ka sheegay in khilfaadka ugu badan gobolka Banaadir uu la xiriiro arrimaha dhulka, sidaas darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda hawlwadeennada gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaas, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in xal rasmi ah laga gaaro.
Wasiir Axmed Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khilaafyada dhulalka ku saleysan, maadama ay kala duwan yihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNDP.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha tababarka in ay muhiim tahay in xogta lasoo galiyo system iyo isticmaalkooda, si ay madaxda go’aan uga gaareen.
Ugu dambeyn, Tababarka oo socon doona afar maalmood ayaa dadka ka qaybgalaya waxaa laga soo xulay 20-ka degmo ee gobolka Banaadir, sida uu furitaantii tababarka ka sheegay xiriiriyaha xafiiska xasilinta gobolka Banaadir, mudane Axmed Caseyr Dhuuboow.