Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku Qaabilay Agaasimaha Qaaradda Afrika ee Hay’adda UNHABITAT: SAWIRRO

0
248

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay agaasimaha Qaaradda Africa ee hay’adda UNHABITAT, Mudane Oumar Sylla.

Kulan ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta UNHABITAT iyo Dowladda Hoose ee Xamar, hiigsiga horumarineed ee caasimadda Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo tiirarka kala ah: qorsheynta magaalada, maaraynta qashinka, casriyeynta maamulka dhulalka iyo sidii ay Muqdisho xiriir wada-shaqeyn ula yeelan lahayd magaalooyinka dhiggeeda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa agaasimaha Qaaradda Afrika ee UNHABITAT si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran oo lagu sameyn doono hawlaha iyo wada-shaqaynta mustaqbalka dhaw ee UNHABITAT iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here