Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa soo andhigay dhagarqabihii hoggaaminayay weerar loo adeegsaday gantaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal-geliyo shacabka Muqdisho ku nool.
Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee booliska Gobolka Banaadir, ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa kooxo la tirsan Khawaarijta waxay weerar gantaallo macmal ah ku qalqal-geliyeen shacabka ku nool Caasimadda, kuwaasoo aan dhibaato geysan.

Kaddib hawlgal deg-deg ah oo ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ay sameeyen ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda ku shaqada leh dambiyada noocaan oo kale ah.
Ugu dambeyn, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen gantaallo rakiban oo aan wali la ridin, waxaana lagu burburiyay isla goobtii lagu qabtay. halka baaris ay ku socoto dhagar-qabihii la soo qabtay.













