Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawl-wadeennada sar-sare ee ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay, kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Xamar.
Kulankan ayaa waxaa dhinaca kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir iyo xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in Hawl-wadeenada maamulka guud ee barnaamijkan ee uu hogaaminayay Mr Paul Simkin laga dhage6sto qorshaha wajiga 4-aad ee billaaban doono bartamaha sanadkan, iyadoo dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka, ahna Duqa Muqdisho uu la wadaagay hor-tabinnada iyo qorshayaasha horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka leeyahay Horumarinta Caasimadda dalka ee Muqdisho sida: adeegyada bulshada, maareynta qashinka, shaqo-abuurka dhallinyarada, tababarrada dhallinyarada, kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta sharciyada iyo habraacyada shaqo ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Madaale ayaa ka mahadceliyay taageerada barnaamijka JPLG, isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkan.
Dhanka kale, Guddoomiye Madaale waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulka Gobolka ay ka go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha taageera Soomaaliya.














