Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan sagootin ah xalay Muqdisho ugu sameeyey duqowda (Maayarrada) Magaalooyinka dalka iyo Wasiirrada Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedyada, kuwaasoo loosoo gunaanaday shirka madasha 2-aad ee Maayarada Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS. Kaasoo socday muddo saddex maalmood ah.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo martigeliyay munaasabaddan ayaa halkaas ka jeediyay khudbado ay kusoo dhaweenayeen kuna sagootinayeen Duqowda iyo Wasiirada ka kala yimid Dowlad Goboleedyada dalka, ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sharaf u tahay in Muqdisho lagu qabto shirka Madasha 2-aad ee Maayarada dalka.
Sidoo kale, Xubno ka socday Duqowda Magaalooyinka dalka iyo Wasiiradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhankooda ka hadlay munaasabada ayaa ugu mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir marti-soorka iyo soo dhaweynta ay Muqdisho ugu sameeyeen wafdiga ka kala yimid gobolada dalka, iyagoona sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS marti gelinta shirka Madasha Maayarada.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka mahadceliyay munaasabada sagootinta ee uu Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay wufuuda ka kala yimid Gobolada dalka ee isugu jira Maayarada iyo Wasiirada, kuwaasi oo muddo 3 cisho Magaalada Muqdisho ugu socday shirka Madasha Maayarada oo la isku dhaafsanaayay Aqoonta, Waayo-aragnimada, wadashaqeynta Maamulada iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose.





































