Shaqada Maalin dhaafka ah ee Mooto Bajaajta oo Maanta si rasmi ah uga hirgalay Magaalada Muqdisho

0
378

Magaalada Muqdisho, waxaa saaka ka hirgalay fulinta amarka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa nidaaminta Moota Bajaaj-ta, waxaana waddooyinka caasimadda lagu arkayay Bajaaj ay ku buufsan tahay ‘A’ oo keliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhammaan wadayaasha Mooto Bajaajta ku amray in ay midabeeyaan mootooyinkooda iyagoo ku buufinaya xarfaha A iyo B taas uu maamulka ugu talogalay in ay maalin dhaaf u shaqeeyaan.

Sidoo jale, Amarkan ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa lagu amray in 2-ka Abriil 2023-ka la billaabayo midabeynta Moota Bajaajta, iyadoo ku shaqeynta ay billaabaneyso 25-ka May, 2023-ka oo ku beegan maanta.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in la ganaaxi doona ciddii fulin wayda amarrada kasoo baxa Dowladda Hoose ee Xamar, iyada oo afhayeenka Gobolku Banaadir uu sheegay in Mootadii la arko iyadoo maalin aan ahayn maalinteeda shaqeynaysa iyo mootadii la arka iyada oo aan buufsaneyn in lagu ganaaxi doona lacag garaysa $100.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre ee qabsoomay 30-ka Maarso, 2023-ka ayaa lagu ansixiyey qaraarka nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaaj-ta.

Qodobbada ka soo baxay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa; In laga billaabo 1-da illaa 30-ka Abriil la tirakoobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah (A iyo B), waxaana shaqadaas fulinteeda loo xilsaaray maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Go’aankan waxaa si weyn u soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadayaasha Moota Bajaajta, kuwaas oo sheegay in xal u noqon doona jaamka ka jira waddooyinka Caasumadda, waxa ayna wadayaasha gaadiidku dalbadeen in la hirgeliyo amarka lagu joojiyay inay soo dagaan Mooto Bajaajta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here