Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay kulan casho-sharaf ah oo madaxdii ka qaybgalay shirkii Wadatashiga Qaran ee lagu Baydhabo lagu qabtay ayaa ayaa sheegay in Khawaarijta looga adkaaday dagaallada, ayna sii socon doonaan dagaalladaas inta laga cirib-tirayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheeegay in horumar la taaban karo laga gaaray arrimaha dowlad dhiska, adeegyada bulshada, isagoo ballanqaaday in lasii wadi doono hawlaha dowlad-dhisidda.
“Waxaa meel fiican maraya dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, runtii shaqo culus ayaa la qabtay taasoo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka. Dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka way kuwada jiraan, kuwo hadda dagaalku meel gabogabo ah ayuu u marayaa, kuwana hadda ayuu billow u yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaqaday xiiaadaha dagaal ee ka jira Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada xarynta u ah ee Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in colaadda lagu beddelo wada-hadal iyo nabad.
“Maalmahaan waad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi inay na gubayaan, na dhibayaan oo aanan raalli ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”.
Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laga soo saaray war-murriyeed dhinacyo badan taabanaya.













