Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Smalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka saaray abaaro 12:00 saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla xilligii calanka la suray Muqdisho, 1-dii Luuliyo 1960-kii.
Munaasabado kala duwan oo lagu xusay 1-da Luulyo ayaa xalay sidoo kale ka dhacay gobollada dalka, iyadoo Muqdisho laga riday buuloleyr loogu dabaal-daggayo maalintan wayn.
26-kii juun 1960-kii ayaa beerta xorriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray calankii ugu horreeyay oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum abwaan C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa (Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).
Ugu dambwyn, afar maalmood kaddib oo ku beegnay 1-dii Luuliyo 1960-kii, waxaa xornimadooda qaatay goballada Koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii Waqooyi iyo Koofur, waxaana dhidibbada loo taagay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.















