Madaxweynayaasha maamul-gobaleedyada dalka qaarkood oo ka hadkay dhameystirka dastuurka ayaa soo dhaweeyey tallaabadii todobaadkan ay qaadeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu furay dhameystirka dastuurka dalka.
Madaxweynaha Koonfur-glbeed, Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ka hadlay dhameystirka dastuurka ayaa sheegay in loo dhan yahay dhameystirka dastuurka. “Maanta ayaa loo dhan yahay dhameystirka dastuurka, waxa aana ugu hambalyeynayaa madaxqeynaha JFS dadaalka iyo wadatashiga uu galiyayay dastuurka.”
Mudane C/casiis Laftagareen oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray dhameystirka dastuurka inay muddo dheer soo socotay, balse tallaabadii uu qaaday baarlamaanka dalka ay ahayd mid bogaadin leh. Isaga oo yiri: “Albaabkii dhameystirka dastuurka ayaa furmay, baarlamaankuna waxay qabteen shaqo taarikhi ah.”
Sidoo kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa amaanay madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay inuu ku dhiiraday dhameystirka dastuurka, loona baahan yahay in lagu garab-istaago tallaabada uu qaaday.
Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qooe) oo isna ka hadlay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay in laga shaqeeyo waxyaabaha hortabinta u leh dowladnimada, isagoo carrabka ku dhuftay in baahi loo qabo dhameystirka dastuurka, dalkana uusan kusii dhaqmi karin dastuur qabyo ah.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Qoor-qoor ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la iska daayo hadallada xanafta leh, lagana shaqeeyo waxa danta u ah ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowlad-nimada ay u dhutinayso dhameystirka dastuurka.













