Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga: SAWIRRO

0
248

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay kula ku-xigeenka xoghayaha guud ee hay’adda bisha cas ee Turkiya, mudane Sukru Can.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahayd agaasime ku-xigeenka waaxda agoonta iyo da’yarta tabaaleysan, Marwo Ilhaam Aweys Axmed, ayaa loogu hadlay sidii loo caawin lahaa xarumaha lagu barbaariyo, wax lagu baro agoonta, maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahad-celiyay hay’adda Bisha Cas ee Turkiya kaalinta ay ka qaataan gacan siinta xarumaha agoonta ee ku yaalla gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here