Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh illaa Ex- kontorool Afgooye.
“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Wadadan oo isku dhex-marta degmooyinka Dharkeenley, Kaxda iyo Garasbaalleey ayaa loo dhisay qaab casri ah oo labo qeybood ah, iyadoona dhismaheeda ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulada Degmooyinka iyo Bulshada qeybahooda kala gedisan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha waddadani ay qeyb ka qaadanayso horumarka iyo amniga caasimadda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in horumarka ay gaareyso caasimaddu uu qeyb weyn ka qaatay isbeddelka amniga ee ka jira Caasimadda, taas oo keentay in bulshadu ay ku dhiirato horumarro kala duwan oo hirgalay.














































