Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay wado laga Hir-gelinayo Degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir: SAWIRRO + VIDEO

0
279

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo xaafadaha ku teedsan Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa si kooban ula hadlay dadweynihii ka qaybgalay munaasabadda kooban ee dhagax-dhigga ayaa sheegay in isku tashiga la xariira mashruuca dalkaaga ku dhiso hal doollar uu waxa uu weyn ka beddeli doona bilicda iyo dhismaha Caasimadda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa carrabka ku adkeeyay in haweenka degmada Yaaqshiid oo uu sheegay inay aad u karti badan yihiin ay u xilsaaran yihiin dhismaha waddooyinka Interlock-ga iyo laamiyada isugu jira, waxa uuna xusay inaysan suuro-gal ahayn in degmadu aysan qayb ku lahaanin horumarrada ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here