Duqa Muqdisho oo degmada Hodan ka dhigax dhigay wado muhiim u ah isku socodka caasimadda.

0
419

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

May be an image of 8 people, suit and wedding

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

May be an image of text

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhawaan xilka la wareegay ayaa dardargaliyay ololayaal baaxad leh oo dib loogu hagaajinaya dhismaha wadooyinka caasimadda, bilic iyo nadaafada oo ay baahi wayn u qabeen shacabka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

May be an image of text

Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

May be an image of 4 people, dais and text that says 'DM U All All া Mejao Dhagax dhi imi-enu im าน shamfic ici sha b'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here