SAWIRRO: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno kala duwan ku xukuntay 11 Sarkaal oo ku eedeysnaa Musuq-maasuq: MUUQAAL

0
413

Maxkamadda Gobolka Banaadir qaybta ciqaabta ayaa ku dhawaaqaday xukunka kiis dacwadeedka ay eedeysanayaasha ka ahayeen 11 sarkaal oo ka kala hawlgalayay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda FS, kuwaas oo ay ku kala xukunta xukunno kala duwaan, iyada oo qaar ka mid ahna xorriyadooda ay dib u heleen.

Kiisaska dacwadeeda ayaa ku qotomay oo xiriir la lahaa musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo dayacaadda mas’uuliyaddii loo igmaday.

Xukunka maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta u akhiryay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, waxaa ayna xukunnadu kala ahaayeen sidan:

1. Cabdullaahi Maxmuud Cosoble waxa ay maxkamaddu ku xukuntay 1-sano oo xabsi ah.

2. Cumar Macallin Nuur Cali, waxaa lagu xukumay 1-sano oo xabsi ah.

3. Saabir Xasan Cabdi Nuur, waxaa lagu xukumay 3-sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

4. Cabdiraxmaan Cabdikariim Ibraahim, waxaa lagu xukumay 9-sano oo xabsi ah iyo iyadoo laga joojinta qabshada xaafiis dowladeed.

5. Abuukar Maxamed Cali, waxaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay shaqo dowladeed oo uu qabto.

6. Maxamed Aadan Cabdullaahi, waxaa lagu xukumay 8-bilood oo xabsi ah.

Dhanka kale, maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay xorriyaddooda dib ugu celisay dadka kala ah:

1. Aadan Maxamed Cabdi, Maxkamaddu waxa ay siisay xorriyaddiisa kaddib markii ay ku weyday dhammaan eedihii lagu soo oogay.

2. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sultaan), maxkamaddu waxa ay dib ugu celisay xorriyaddiisa, kaddib narkii lagu waayay wax dambi ah.

3. Maxamed Cadde Muqtaar, maxkamaddu waxa ay dib ugu celisay xorriyaddiisa, kaddib markii dambi lagu waayay.

4. Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim, waxay maxkamadda gobolka Banaadir dib ugu celisay xorriyaddiisa, isaga oo maqane ah.

5. Cabdulqaadir Cabdi Socdaal, waxay dib ugu celisay maxkamaddu xorriyaddiisa, kaddib markii lagu waayay wax dambi ah.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo saraakiil lagu helay in ay ku dhaceen arrin la xiriirta musuqmaasuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sidoo kale dayacaadda mas’uuliyadii loo igmaday ay maxkamadda gobolka Banaadir ku riddo xukunno noocan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here