Duqa Muqdisho Oo ka qeyb galay janaasada Farxaan Qaroole+Sawiro

0
401

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Allaha u naxariisto Taliyahii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Qoyska Marxuum Farxaan Qoroole gaar ahaan Aabihii Maxamuud Aadan ugu Tacsiyeeyay Geerida Shahiidka, asigoona eebe ugu baryay in samir iyo iimaan alle ka siiyo dhamaan qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay AUN. Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Madaxda ugu sareysa dalka iyo boqolaal shacab ah oo qeybaha kala gedisan ee bulshada ka socotay ayaa salaada janaasada kadib Marxuumka u duceeyay, iyadoona eebe loogu baryay in jannatul fardowso ka waraabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here