Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho kula kulmay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan Somalia, marwo Reinhilde Van De Weerd iyo ku-xigenkeeda, mudane Mohamed Kamil.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo in la iska iskaashado caafimaadka bulshada, sidoo kale soo saarista iyo tababaridda xirfadlayaal gacan ka geysta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo xal u helida barakacayaasha ku nool Muqdisho, iyadoo la gaarsiinayo adeegyada caafimaad oo ay u baahan yihiin si loo gaaro yoolka caafimaadka loo dhan yahay (Universal Health Coverage UHC).






















