Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya: SAWIRRO

0
118

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Al-Cutaybi oo booqasho sharafeed ku yimid Aqalka Dowladda Hoose ee Xasan.

Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Caasimadda ayaa soo dhaweyn kaddib waxa uu danjiraha Jaamacadda Carabta la wadaagay dadaallada baaxadda weyn ee ay Dowladda Hoose ka waddo Caasimadda, kuwaas oo isugu jira dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta, hagaajinta kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada iyo weliba horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku amaanay Jaamacadda Carabta kaalinta soo-jireenka ah ee ay ka qaateen taageeridda shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee lasoo maray, isaga oo ku baaqay in lasii xoojiyo xiriirkaas taariikhiga ah, loogana faa’ideysto dhinacyada muhiimka ah marxaladdan uu dalku soo-kabashada ku jiro.

Ugu dambeyn, Danjire Al-Cutaybi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo dhaweynta kalsamidda leh ee uu kala kulmay Duqa Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in Jaamacadda Carabtu ay ku dadaalayso sidii ay Soomaaliya dal iyo shacabba uga taageeri lahayd dhinacyada kordhinta aqoonta iyo karaan-dhiska dhallinyarada Soomaaliyeed, xoojinta kaalinta luuqadda Carabiga iyo arrimaha kale ee la xiriira dawlad-dhiska iyo xaqiijinta isku-filnaanta heer Qaran ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here