Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan is xog wareysi iyo u kuurgelidda hannaanka shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir la qaatay Agaasinka iyo Howl-wadeennada xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan waxaa warbixin loogu dhageystay madax-qeebeydyada kala gedisan ee agaasinka shaqada iyo shaqaalaha, taasoo la xariirtay hannaanka ka war-qabka iyo la xisaabtanka shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in isha keliya ee lagu arki karo shaqaalaha Dowladda Hoose ay tahay xafiiska shaqada iyo shaqaalaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in la dar-dar geliyo shaqooyinka xafiiska si loo sugo xaquuqda shaqaalaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha G/Banaadir waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu xaqiijiyay helidda xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha, balse aan marnaba la aqbali karin in ay isku xuquuq noqdaan qof guta waajibaadkiisa shaqo iyo qof aan gudan, sidaa darteed ay waajib tahay in la iskula xisaabtamo hannaanka shaqo ee shaqaalaha.
Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa faray agaasimaha iyo Madax-qaybeed-yada Waaxda shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar in ay la yimaadaan dardar-gelin iyo isla xisaabtan dhab ah, si bulshada Caasimadda loo gaarsiiyo adeegyada ay ka sugayaan Maamulka Gobolka Banaadir.















