Madaxweynaha Somalia oo Qaabilay ergay ka socda Madaxweynaha Dalka Uganda: SAWIRRO

0
326

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here