Dowladda Federaalka Somalia iyo hawl-galka ATMIS ayaa mar kale xaqiijiyay in ka go’an tahay qorshaha lagu dhimayo ciidamada Midowga ATMIS, mas’uuliyadda amni ee dalkana loogu wareejinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalka Somalia ay ka go’an tahay fulinta qorshe ay dhamaadka bishan dalka uga baxayaan 2000 oo ciidamada ATMIS ka tiraan, qorshahaas oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhimayo ciidamada ka socda dalalka Afrika ee ku sugan Somalia.
Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Waxa ay ku dartay intaas in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin wejiga xiga ee la wareegidda amniga dalkooda.
Dhanka kale, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa’id oo Xamar lagu qabtay ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta in amniga Soomaaliya lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
“Waxa aan rabaa in aan idiin xaqiijiyo sida ay nooga go’an tahay fulinta in amniga aan ku wareejinno ciidamada ammaanka dalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyo go’aannada Golaha Amnigaee Qaramada Midoobay ee quseeya arrintan. Iyadoo ka duuleysa Go’aanadaa ATMIS waxay soo gaba-gabaysay qorshaha lagu billaabayo dhimista 2000 oo askari oo ay tahay in la sameeyo dhammaadka bishan,” ayuu yiri Danjire Souef.
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa kalsooni ka muujiyay in dowladda Somalia ay abuurtay ciidamo ku filan oo la wareegi kara mas’uuliyadda amniga marka ay baxaan ciidamada ATMIS.
“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa awooda Ciidamada Amaanka Soomaaliya. Ciidanka XDS ayaa halkii sano ee la soo dhaafay muujiyay awoodda sii kordheysa ee lagu fulinayo howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah. Waxaan si kal iyo laab ah ugu ammaanayaa hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xoojinta xoogga dalka iyo sidoo kale hawlgalinta Ciidanka shacabka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.
Qaraarka Qaramada Midoobay ay horay u soo saartay ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay ka baxaan Soomaaliya 2,000 oo askari, si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ciidamada amaanka Soomaaliya, loona meel mariyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Haw-galka Nabadda ee Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu si buuxda uga baxo Soomaaliya 31-ka biaha Decembar ee 2024-ka.