Ciidanka Ammaanka oo soo Af-jaray weerarkii ay Khawaarijtu ku qaadeen Hotel Pearl oo ku yaalla Xeebta Liido

0
336

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Somalia ayaa soo af-jaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf-la-caariga ah ku qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen dhammaan kooxihii Khawaarijta ahaa ee weerarka soo qaaday hoteelkaas.

Inta hawlgalku socday ciidanka amaanka DFS, waxa ay gudaha hoteelka Pearl kasoo badbaadigeen shacab badan oo goobta ku xayirnaa kuwaasoo laga saaray.

Ugu dambeyn, Khasaarihii weerarkaas ka dhashay waxa aan kusoo gudbin doonnaa wararkeenna soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here