Garoonka Kubbadda Cagta ee Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa caawa ka dhacaysa cayaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Horyaalka Yurub, kaasoo ay isugu soo hareen kooxaha Man City iyo Inter Milan, iyadoo caalamka oo dhan laga dhawrato halka koobkaas la geyn doono sanadka.n 2023, Ingiriiska ama Talyaaniga.
Kooxda Manchestet City oo aan koobkan waligeed qaadin ayaa waxa ay caawa u noqon doontaa habeen taariikhi ah, waxa sidoo kale ay u noqonaysaa inay qaaday saddex koob oo uu ku jiraan PL-ka iyo FA-ga.
Dhankooda, Inter Milan ayaa hore saddex Champions League ayaa saddex jeer oo hore qaadday koobkan, waxaana haddii ay caawa qaaddo ay u noqonaysaa markeedii afaraad oo ay koobkaan ku guuleysato.
Wararka ayaa sheegaya in Kyle Walker oo ka mid ah cayaaryahannada ay Man Xity ku tashanayso uu safan waayo caawa, balse waxaa la sheegayaa inay dhici karto inuu safto. Walker ayaa waxaa haddii uu caawa safto caawin doona difaacyada kala ah; Dias iyo Akanji halka John Stones uu khadka dhexe ku caawin doono Rodrigo.
Sidoo kale, Silva iyo Grealish ayaa garbaha weerarka ka cayaaraya, halka Gundogan iyo De Bruyne ka dambayn doonaan Haaland.
Dhinka kale, Kooxda Inter waxa shaki weyn ku jiraa inuu safan doono laacibka Henrikh Mkhitaryan oo uu soo gaaray dhaawac bawdada ah, si lamid ah Joaquin Correa oo dhaawac lugta ah qaba ayaa la xusay inuu cayaaray Finalkii Coppa Italia.
Cayaaryahannada Darmian, Acerbi iyo Bastoni ayaa difaaca Inter ka cayaaraya caawa, iyadoo Dumfries iyo Dimarco ay ka cayaari doonaan garbaha.
Brozovic, Hakan iyo Barella ayaa la filayaa inay khadka dhexe ka cayaaraan, laakiinse su’aasha taagan ayaa ah miyuu Dzeko oo kulammadii afar dhammaadka ciyaaray mar kale kasoo hormari doonaa Romelu Lukaku.
Ugu dambwyn, Cayaartan caalamka oo dhan laga sugayo ayaa waxaa la cayaari doonaa 10:00 fiidnimo ee xilliga Afrikada Bari, iyadoo la xusuusan yahay in Tuekiga iyo Soomaaliya ay isku saacad yihiin.













