Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada G/Banaadir oo soo xiray Tababar: SAWIRRO

0
367

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 12-ka Juun 2023 tababar u soo xiray qaar ka mid shaqaalaha gobolka Banaadir.

Tababarkaan oo muddo seddex casho ah socday ayaa hadafkiisu ahaa in lagu tayeeyo aqoonta shaqaalaha xafiiska hanti-dhowrka ee gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar (INTERNAL AUDIT WORKSHOP).

Sidoo kale, Tababarkan waxaa ka faa’iideystay shaqaale ka tirsan waaxaha kale duwan ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, iyadoo ay wehliyaan shaqaalaha waaxda gaadiidka iyo hantida ma-guurtada ah.

Ugu dambeyn, mudane Ciise Guure ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintii hawshan soo qaban-qaabisay iyo shaqaalihii tababarkan dhameystay, isaga oo kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ku shaqeyn doonaan marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here