SAWIRRO: Kulan la xiriira Dayn-cafinta Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
269

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo hoggaan ay u tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horuma-rineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here