Shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Somalia iyo Midowga Yurub oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
270

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta hawlgelinta wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here