Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Mudane Shariif Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweyne Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu hello Kalsoonida golaha shacabka .














