Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulan diimeed lagu wacyi-gelinayay bulshada Caasimadda, kaasoo ay marti ku ahaayeen Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuuti) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Jigjiga.
Kulan diimeedkaan oo hal-ku-dhiggiisu ahaa (DHAMBAALKA DHALINYARADDA), ayaa waxaa ka qayb-galay boqollaal qof oo ka kala yimid degmooyinka Caasimadda, iyada oo uu goobjoog ka ahaa; wasiir ku-xigeenka diinta iyo awqaafta XFS, mudane Saalax Shariif Siid-Cali, xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Feysal Afrax iyo marti-sharaf kale oo dhageystay wacdi ay culummadu kasoo jeediyeen kulanka, kaaa oo lagu baraarujinayay dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda.











































