Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Haweenka Culummada Soomaaliyeed

0
343

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) oo ay wehliyeen guddoomiye ku-xigeennada maamulka iyo maaliyadda, Mudane Ciise Maxamuud Guure iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah haweenka culummada ee maalmo ka hor Muqdisho ugu soo idlaaday shirweynaha culummaa’uddiinka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka haweenka culummada Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada wacyigelinta bulshada, faridda akhlaaqiyaadka wanaagsan iyo qayimka aasaasiga ah ee diinteenna suubban, maadaama haweenku ay yihiin laf-dhabarka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa boogaadiyay doorka haweenka culummada ee shirweynaha culummaa’uddiinka Soomaaliyeed iyo mowqifkooda ku aaddan u iftiiminta bulshada Soomaaliyeed ficillada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee Khawaarijta ugu been sheegtaan diinteenna suubban.

Haweenka culummada ayaa dhankooda xusay in maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonaan arrimaha wacyigelinta akhlaaqiyaadka wanaagsan ee diinteenna suubban ina farayso, baahinta cilmiga diiniga ah, dariseynta, nadaafadda, bilicda, dib-u-dhiska iyo horumarrada kale ee ka socda caasimadda, si bulshada gobolka Banaadir ay ugu noolaadaan horumar iyo amni.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay dareenka hooyonimo, midka dadnimo iyo midka diineed ee haweenka culummada Soomaaliyeed ay xambaaraan yihiin, isagoo dhinaca kale ku boorriyay haweenka culummada inay maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeeyaan sidii bulshada loogu jiheyn lahaa waddada wanaagsan ee ay ina fareyso diinteenna Islaamka, iyadoo laga hor-tagayo fasaadka, maan-dooriyaha dhibaatada xooggan ku haya bulshada iyo afkaaraha qaldan ee Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here