Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar-galinta sugidda amniga Caasimadda iyo u diyaar-garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo toddobaadka xorriyadda, kaas oo ka dhacay xarunta qaybta guud ee ciidanka Booliiska Soomaaliyed.
Shirkan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Madaale ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhageestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidanka dalka iyo sida loogu diyaar garoobay munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh.
Ugu dambeyn, Duqa Mudane ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa.














