Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan taliyeyaasha qaybta guud ee booliiska iyo nabad-sugidda gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka bioliisa millataariyo ayaa xarunta degmada Dharkeenley kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha iyo saraakiisha Amniga qaybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa la isaga wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley, gaar ahaan amniga bishii Abriil ee lasoo dhaafay iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga qaybta Galbeed iyo guud ahaan kan caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka yahay kulamo si gooni-gooni ah loo la yeeshay qaybaha gobolka Banaadir si loo dardar-geliyo amniga, isaaga oi saraakiisha iyo madaxda maamulada degmooyinka kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo sugidda amniga, si loogu hortago dhagaraha cadowga.






















